”Icardi inter wuu ”CEEBEEYAY!” – Spalletti oo afka furtay!

0

(Milano) 13 Feb 2019 – Luciano Spalletti ayaa sheegay in ismari waaga ku aaddan Mauro Icardi uu ‘ceebeeyay’ kooxda Inter isagoo hadlayay kahor ciyaarta Europa League wareegga 32 oo ay berri la yeelanayaan Rapid Vienna.

Icardi ayaa laga xayuubiyay kabtannimada Inter, waxaana soo raacday inuu laacibku diidey inuu kooxda u raaco safarka Vienna.

“Icardi? Waxaannu qaadan doonnaa tillaabada ku habboon marka la eego go’aanka la gaarey. Waxba iskama bedelin dhanka farsamo, balse waa nala ceebaystay nasiib xumana kooxda kama mid aha berri.” ayuu yiri.

“Balse, weli waxaan ku tashan karnaa qof Lautaro oo kale ah oo tayadiisa muujiyay ciyaartii Parma. Dhaqse ayaan ugu baahan nahay kulanka Vienna.” ayuu daba dhigay macallinku.

Hadalsame Media