Shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Feb 2019 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, mas’uuliyiin ka socday maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga shirka bah-wadaagta Soomaaliyeed, arrimaha dayn cafinta iyo qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kamid ahaa wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa ka war bixiyay meesha ay marayaan qorsha ay hay’adda lacagta aduunka ay kula soconayso hanaanka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka (SMP).

Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya arrintaas oo horseedaysa in uu si caadi kusoo laabto xariirka ka dhexeeya hay’adaha lacagta ee heer  caalami.

Hadalsame Media