”Weligaa nacayb baad safrinaysay!” – Ilhaan Cumar oo weerar rogaal celis ah ku qaadday Donald Trump + Sawirro

0

(Washington, DC) 13 Feb 2019 – Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtey madaxwaynaha Maraykanka  Donald Trump oo usoo jeediyay inay xilka iska casisho kaddib tweet-keedii muranka dhaliyay ee lagu eedeeyay ‘duurxulka Yuhuud nacaybka ah!”.

‘Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan ah —Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale. Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay. Adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar.

Gabadha iyaduna ku cusub Koongarayska ee Alexandria Ocasio-Cortez ayaa Ilhaan difaacdey, kaddib markii uu si cad u weeraray Trump halka afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Dimoqraadiga ee Nancy Pelosi ay ku dhaliishay warkii ay ka sheegtay Israel iyo Yuhuudda.

Dadka ayaa Ilhaan farriimo taageero ah u dhigay bannaanka xafiiskeeda Capitol Hill, iyagoo garab istaagey kelmaddii ay ku sheegtay in ururro waawayn oo u ololeeya danaha Israel ay lacag siiyeen xubno ka tirsan Koongarayska Maraykanka.

Hadalsame Media