DAAWO: Nin waqtiyaa nasiib uu ku guulaystey ku qaatay qaab aan wejigiisa loo garan + Sawirro (Sabab cajiib ah)

0

(Kingston) 13 Feb 2019 – Nin ku guulaystey waqtiyaa nasiib (lottery) lagu qabtay dalkaasi Jamaica, ayaa dunida la yaab ku diley kaddib markii uu goobtii uu ku qaadan lahaa lacagta uu ku guulaystey uu ku yimid maasgaro nooca ”qaylada” ah.

Ninkan ayaa arrintan uga gol lahaa inuu ku qariyo haybtiisa, si aanay xubnaha qoyskiisu u shaxaadin oo aysan wax uga waydiinin lacagta uu ku guulaystey.

Ninkan ayaa ku guulaystey $158,400,000 jackpot (oo ah qiyaastii $1.5 milyan oo CAD), waxaase sidii qof loo sugayay mar qura soo dhigtay nin wata maasgaro nooca qaylada ah gaar ahaan noocii filim cabsi ahaa oo la sameeyay 1996-kii, iyo joog gacmo gashi cinjir ah oo madoow.

Ninkan oo magaciisa lagu koobay A. Campbell, sida ay sheegayso saxaafadda maxalliga ah, ayaa la sheegayaa inay 54 maalmood ku qaadatay inuu abaalmarintiisa qaato kaddib markii uu jirradey.

Hadalsame Media