Shirkad Japanese ah oo bilowday inay XIJAAB u tosho haweenka Muslimka ah ee dalkaasi + Sawirro

0

(Kyoto) 13 Feb 2019 – Haweenka Muslimiinta ah ee tegi jirey magaalada Kyoto, Japan si ay uga ijaartaan dhar dhaqameedka loo yaqaan Kimonos ayaa iminka ka raysan doona, waayo sharikad la yiraado Yumayakata oo Japanese ah ayaa bilowday inay soo saarto dhar dhaqameedkaasi oo weliba xijaab ahaan loogu tala galay.

Dharkan ayaa weliba iminka qiime dhimis laga sameeyay iyadoo lagu iibsan karo 300 yen – halkii uu awal ka ahaa 500 yen ($2.73, $4.55), sida ay ku sheegeen warbixin ay ku baahiyeen Grapee.

Xijaabyadan ayaanay naqshad ahaan isku dhacaynin kuwa Kimono maadaama si gaar ah la iskugu nuday midabada iyo naqshadooda, iyadoo la adeegsanayo dhadhanka Japanese-ka ee dhar dhaqameedka.

Yumeyakata waxay hadda leedahay 20 naqshadood oo kala nooc ah oo loo yaqaanno Wagara Hijabs, kuwaasoo ku kala habboon xilliyada kala geddisan ee Japan sida jiilaalka iyo guga (Sakura iyo Yukiwa), waxaana naqshadaha la gaarsiin doonaa ilaa 50 nooc.

Hadalsame Media