Mashruuc waxtar wayn leh oo laga wado degmada Balcad

0

(Balcad) 13 Feb 2019 – Heyada Islamic Relief ayaa waxa ay sheegtay in mashaariic nolosha dadka lagu hor marinayo ay ka wado magaalada Balcad ee gobalka Sh.dhexe.

Mashaariicdaan oo isugu jira tabo baro la xiriira farsamada gacanta iyo dib u habeynta kanaalada biyaha wabiga ka keena si dadku beeraha u tacbadaan ayaa waxaa Islamic Relief gacan ku siinaya barnaamijka cunada aduunka ee WFP.

Ilaa 900 oo qof ayaa la sheegay in ay ka faa’iideysteen mashaariicdan oo wax badan kusoo kordhinaya kaabayaasha dhaqaalaha dadka danyarta ah ee degaanka.

Magaalada Balacd ayaa waxaa iminka hooy ay u tahay 15,000 oo qof kuwaas oo barakacayaal ah.

Dadkan ayaa waxaa tuulooyinkii ay daganaayeen ka sal kiciyay abaaro iyo fatahaado ka dhacay gobalka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media