DAAWO: MBS oo dul fuulay KACBADA & shucuubta Muslimiinta oo ka fal celiyay!

0

(Maka) 13 Feb 2019 – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa booqasho ku tegay beydka barakeysan, waxaana isagoo aad loo waardiyeynayo uu galay xaramka iyadoo ujeedkiisuna ahaa si uu u soo eego howlo dayactir iyo ballaarin lagu samaynayo kacbada, sida lagu qoray Ishawararka.net.

Waxaa telefishinnada iyo baraha bulshada laga daawaday Maxamed Bin Salmaan oo saxanka lagu dawaafo ee kacbada dartiis loo faaruqiyay oo isaga iyo ciidan fara badan oo waardiyeynayay ay isku wareejiyeen kacbada, taas oo su’aallo badan laga keenay.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan u fasiray booqashada dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salman ee xaramka, waxaana qaarkood ay sheegeen in nin intaas oo ciidan ah iyo hubkooda u soo qaatay beydka ILAAHAY uu yahay nin aan is hubin.

Dhanka kale in kacbada la dusha sare laga fuulo ayaa ah arrin aan inta badan dhicin oo keliya loo oggol yahay dadka wax hagaajinaya iyo kuwa kacbada maryaha ka beddelaya, balse in qof hoggaamiye ah uu dusha sare fuulo ayaa waxaa ay aad uga careysiisay muslimiinta caalamka intooda badan.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media