Ruto oo sheegay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Soomaaliya

0

(Nairobi) 14 Feb 2019 – Madaxwayne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inay ciidamadooda kala soo baxaan dalka Soomaaliya.

Mr. Ruto ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la shaqaynta dalalka kale ee ku howlan sidii Soomaaliya amni looga dhigi lahaa.

“Waxaan nahay xubin masuul ah oo la shaqeysa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo hoostaga Qaramada Midoobay si Soomaaliya loogu soo celiyo amni,” ayuu yiri Ruto.

Madaxwayne kuxigeenka Kenya Ruto ayaa intaas ku daray in dalkiisu dan gaar ah ka leeyahay Soomaaliya, maadama buu yiri aanu Jaar nahay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay inay noqon doonto wax aan laga feejignaan haddii ay Soomaaliya ka baxaan.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa ku sugan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose waxaana inta badan lagu eedeeyaa xadgudubyo ka dhan ah shacabka.

Hadalsame Media