Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiirada dowladda dhexe oo ku wajahan Magaalada Barawe +Sawirro

0

Wafdigaan ayaa diyaarad gaar ah waxay ka qaadaysaa garoonka caalamiga ah ee Aden Ade International airport waxayna safar xagga hawada ah ku gaari doonaan Magaalada Barawe oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Wafdigan waxaa ka mid ah xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka, waxaana kaloo la socda Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose.

Amaanka Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aad u hubeysan.

Xubnahaan ka tirsan dowladda dhexe ayaa la aamisan yahay in Barawe ay u tagayaan qiimeyn ay ku sameynayaan Mashaariic la filayo in laga fuliyo Barawe gaar ahaan dekadda iyo airport-Barawe.

Hadalsame Media