Maamulka Hirshabelle oo intii ay ku kalsoonaan la haayeen ciidamada Soomaaliya NIYADDA ka dilaya!

0

(Jowhar) 11 Feb 2019 – Maamulka Hirshabelle ayaa walaac xooggan ka muujinaya Ciidamada Burundi ee lagu wado in bishan dabayaaqadeeda ay ka baxaan deegaano ka tirsan Hirshabelle gaar ahaan qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe.

Midowga Afrika ayaa horay u go’aamiyay in 28-ka Bishaan Ciidamada Burundi Kun askari oo ka mid ah ay ka baxaan Soomaaliya waxaana qorshahaasi uu qayb ka yahay barnaamijka kala guurka ee ciidamada Soomaaliya loogu diyaarinayo inay amniga la wareegaan.

Wasiirka Amniga Hirshabelle Cabdiqaadir Jeelle ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin in ciidamada Burundi laga saaro degmooyin ka tirsan Hirshabelle, wuxuuna walaaca maamulkisa la wadaagay Senatarada ka soo jeeda Hirshabelle ee Dowladda dhexe ka tirsan.

28-ka bishaan ayaa lagu wadaa in Hir-Shabeelle laga saaro  illaa iyo 1,000 askari oo ka socda dalka Burundi kana howlgala deegaanada Cadale, Xaaji Cali iyo Raage Ceele oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabelle ayaa ku tilmaamay in arrintaan ay ku noqotay Uur ku taallo maamulkiisa oo ay ka cabsanayaan in deegaanadaasi aysan ciidamada dowladda Soomaaliya awood u lahayn inay xajiyaan amnigooda.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan meelaha ka baxsan caasimadda Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa inaysan ka bixin xerooyinkooda halka inta badan howlagallada ay fuliyaan ciidamada Soomaalida oo iyagu aan haysanin qalab ku fillan.

Madaxda Maamulka Hirshabelle ayaa u muuqda kuwa aan kalsooni ku qabin ciidamada Soomaaliya waxaana taasi ay maamullada kale u direysaa fariin qaldan oo niyadda ka dilaysa askariga Soomaaliyeed.

Hadalsame Media