Madaxwaynaha Masar Cabdal Fataax al-Sisi oo noqday guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

0

(Addis Ababa) 11 Feb 2019 – Madaxwaynaha Rwanda Paul Kagame kaasoo loo arko inuu ahaa ruux aamisan dib u habeyn lagu sameeyo hanaanka shaqada iyo waajibaadka Midowga Afrika ayaa si nabad ah xilkan meertada ah ugu wareejiyay dhigiisa Masar Cabdal Fataax al-Sisi.

Xil wareejinta ayaa ka dhacday Magaaladda Addis Ababa halkaasi oo uu ka socdo shirka madaxda Midowga Afrika.

Cabdal Fataax al-Sisi, Madaxwaynaha Masar ayaa la filayaa in inta uu hoggaanka u hayo Midowga Afrika uu xoogga saari doono arrimaha amniga halkii ay ahayd inuu sii ballaariyo awooda ururka ee dhinacyada xaquuqul insaanka iyo dimuquraadiyada.

Masar oo sidoo kale ka tirsan jaamacadda Carabta ayaa si weyn u danaynaysa arrimaha Afrika waxayna doonaysaa inay xoojiso kaalinteeda qaaradda Afrika, iyadoo kaliya aan rabin in loo arko mid awoodeeda isugu gaysay arrimaha Carabta.

Intii Madaxwaynaha Rwanda Paul Kagame uu ahaa guddoomiyaha ururka midowga Afrika waxaa uu xoogga saaray dib qaabeyn lagu sameeyo arrimaha maamulka iyo shuruucda dalalka qaarada.

Yeelkeede waxaa guddoomiyaha cusub Sisi la filayaa inuu jidkaas ka leexan doono oo uu xoogga saari doono arrimaha amniga, howlgalada nabad-illaalinta, dib u soo kabashada dalalka colaaduhu ka dhaceen ee qaraada Afrika iyo sidoo kale arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Xoghayaha dee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka qaybagalaya shirka Midowga Afrika ayaa bogaadiyay doorashooyinka dalalka Congo, Mali, Madagascar iyo sidoo kale heshiiskii lagu dhameeyay dagaalkii koonfurta Suudaan iyo jamhuuriyada bartamaha afrika.

Si kastaba ha ahaatee Hay’addaha u dooda xuquuqul insaanka sida Amnesty international ayaa walaac ka muujiyay in hoggaanka Midowga Afrika uu qabto Cabdal Fataax al-Sisi, Madaxwaynaha Masar oo ay hay’addu ku eedeysay maamulkiisa ku xadgudub baahsan oo ka dhan ah xaquuqul insaanka.

Hadalsame Media