Ciidamada amniga deegaanada Puntland oo amar lagu siiyay la dagaalanka Tahriibka

0
Illegal immigrants from Somalia walk to a vessel in the port town of Bossaso March 13, 2008. Human trafficking in the northern Puntland region is a lucrative trade that has received extensive criticism worldwide. People fleeing poverty in East Africa seek better lives in Saudi Arabia through Yemen but fall victims to human-trafficking cartels. Picture taken March 13, 2008. REUTERS/Stringer (SOMALIA)

(Boosaso) 11 Feb 2019 – Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah dadka ka shaqeeya tahriibka ee ku sugan deegaanada maamulkaasi gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Magalada boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ayaa inta badan waxaa ka baxa dad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan waxaana halkaasi ku sugan Mukhalasiin shaqoodu tahay inay dadka tahriibiyaan iyagoo adeegsanaya doonyo.

Tahriibayaasha ayaa iyana u soo gudba dalka Yemen oo ay doonayaan inay uga sii talaabaan wadamada Khaliifka gaar ahaan Sucuudi Carabiya, laakin waxay la kulmaan dhimasho iyo inay badda ku daataan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse ayaa amar ku siiyay ciidamada Booliska inay ka hortagaan cid kasta oo isku-dayda inay dadka tahriibiso.

Ciidamada ku sugan Koontoroolada guud ahaan Magaalooyinka Puntland ayaa lagu amray inay gacanta ku dhigaan dadka doonaya inay tahriibaan iyo kuwa ka shaqeeya tahriibka ee loo yaqaano mukhalasiinta.

Hadalsame Media