Romania oo lagu qabtay nin ku shaqaynayay dhakhtarnimo uusan aqoon u lahayn! + Caddaymo (Maxaa Somalia ka dhici kara?)

0

(Bucharest) 10 Feb 2019 – Nin ka soo jeeda magaalada Venezia ee woqooyi bari dalka Talyaaniga oo lagu qabtay sheegashada inuu yahay dhakhtar qalliin.

Matteo Politi oo 39 jir ah ayaa waxa uu dalka Roomaaniya iskaga dhigay inuu yahay dhaqtar ku takhasusay qalliinada dadka lagu qurxiyo (plastic surgery).

Kaaga darane, weliba qalliinada xasaasiga ah ee ay dumarka isaga sameeyaan sinaha, sanka, naasaha iwm, balse runta ayaa ah inuu haysto kaliya shahaadada dugsiga dhexe.

Mudo 2 sano ah ayaa waxa uu isticamaalayey magac ingiriisi ah oo been abuur ah, isagoo la baxay Matthew Mode, waxa uuna derbiyada xafiiskiisa ku dhegsaday shahaadooyin bug ah oo uu ”ka soo qaatay” jaamacado kala duwan oo caalamka ah.

Yeelkeede, shakhsiyasaddiisa saxda ah waxaa lagu ogaaday baaritaano uu sameeyey wargeys ka soo baxa dalka Roomaaniya oo lagu magacaabo Libertatea.

Qaar ka mid ah sirtiisa waxaa laga helay kalkaaliyeyaal la shaqeynayey oo shaki geliyey awoodda uu dhaqtarkani u leeyahay sameynta qalliinada iyo isagooba ku fashilmay adeegsiga gacma gashiyada ay dhaqaatiirtu adeegsadaan marka qalliinada gelayaan iyo sida la isaga nadiifiyo gacmaha.

Wargeyska ayaa dabagal dheer kaddib waxa uu sidoo kale soo helay inuu ninkani qalliinada ku sameyn jiray kaliya 4 saacadood.

Booliska Roomaaniya ayaa ninkan xabsiga Arbacadii hore isagoo u baxsanayey dhanka dalka Hungary.

Haddii ay arrintani Yurub ka dhacayso, qiyaas dal aan nidaam sugan lahayn sida Somalia waxa ka dhici kara?

Beri dhowayd waxaa Hadalsame lasoo xiriirtey gabar Muqdisho ku jabtay ee kaddib si aan waafaqsanayn nidaamka wax loo kabo loo geliyay biro halis geliyay gacanteeda oo qabtey jab sahlan.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed iyo Maxamed Xaaji

Hadalsame Media