”Waa ceeb ku habsatey insaaniyadda!” – Turkiga oo Shiinaha u jeediyay inuu joojiyo ciqaabta Muslimiinta

0

(Ankara) 10 Feb 2019 – Dalka Turkey ayaa cambaareeyay sida ay dowladda Shiinuhu ula dhaqmayso Muslimiinta Uighur-ka taasoo ay ku tilmaameen “ceeb wayn oo ku habsatey insaaniyadda” iyagoo waydiistey inay xirto “xerooyin la mid ah kuwii lagu hayn jirey Yuhuudda”.

War Sabtigii kasoo baxay, Wasaarad Dibadeedka Turkish-ka oo uu u hadlayay afhayeenkeeda Hami Aksoy ayaa sheegay in Shiinuhu uu si aan kala sooc lahayn u xirxirey dad ka badan 1 milyan oo qofood oo Uighurs ah.

Dadkan oo asal ahaan lagu sheego Muslimiin Turkic ah ayaa cadaadis adagi ka saaran yahay dhanka dowladda Shuuciga ah oo u dhistay “xerooyin khasab loogu meerinayo” dhaqamada Shiinaha aan Muslimka ahayn iyadoo maskaxda looga dhaqayo barnaamijyo diyaarsan, ayaa lagu yiri warka.

“Waxaannu maamulka Shiinaha ku casuumaynaa inay ixtiraamaan xuquuqda asaasiga ah ee insaanka ee dadka Uighur-ka isla markaana la xiro kaamamka lagu cadibayo,” ayuu soo jeediyay afhayeenku.

Warka Turkiga ayaa uun iska noqonaya af kala bixid diblomaasiyadeed maadaama ay Ankara xiriir adag la leedahay dhiggeeda Beijing

Hadalsame Media