Madaxwayne Farmaajo oo kulamo muhim ah la qaadanaya dalal jaal la ah Soomaaliya

0

(Addis Abeba) 10 Feb 2019 – Madaxwaynaha Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa iminka ka qayb gelaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka dhacaya magaalada Addis Abeba.

Madaxwaynaha Somalia ayaa duhurkii shirka ka jeedinaya khudbaddii uu ugu tala galay, waxaase ka horreeynaya khudbado ay jeedinayaan ashkaas iyo hay’ado caalami ah oo shirka ka qayb qaadanaya.

Madaxwaynaha ayaa shirar doceedyo sidoo kale la qaadan doona dalal ay ka mid yihiin Norway, Qadar, Koonfur Afrika iyo kuwo kale.

Arag jadwalka hordhaca ah…

Hadalsame Media