MAN CITY VS CHELSEA: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(Manchester) 10 Feb 2019 – Waxaa galabta casar liiqii dhanka Yurubta woqooyi kulan aad u xasaasi ah yeelanaya labada kooxood ee adag ee Man City iyo Chelsea oo isku fara saaraya gegada Etihad Stadium, ciyaar ka tirsan Premier League.

Dhanka Man City: Pep Guardiola oo maanka ku haya muhiimadda kulankani u leeyahay hardanka hogaaminta horyaalka ayaa haysta ku dhowaad safkiisa xooggan ee Manchester City, waxaana sidaa darteed adag in lasii saadaaliyo 11-ka uu lasoo shirtegi karo.

Kaddib tijaabadii uu sameeyay kulankii Arsenal iyo adeegsigii dadabka bidix ee Aymeric Laporte ciyaartii Everton waxaa dhici karta quseeyn iyo juustayn hor leh, gaar ahaan xilli uu soo laaban karo Kevin De Bruyne.

Dhanka Chelsea: Kooxda Blues oo isku xijisey guuldarro iyo guul wayn, ayaa haatan foolka ku diiraysa koox u tartamaysa horyaalka Premier League oo ay weliba haysato, waxay se maanka ku haysaa in booska 4-aad ay shalay kala baxday kooxda Man United oo aan fadhi u oollin.

Sarri ayaa ka hor tegaya saaxiibkii ay isku dheer yihiin Pep Guardiola, balse taas daaqadda ayaa laga tuurayaa 90-ka daqiiqo ee ay ciyaartani socoto, waayo kooxda Citizens waxay doonayaan inay difaacdaan horyaalka Premier League oo ay ka tillaabaan kooxda ay reer woqooyiga isla yihiin ee Liverpool.

 

Hadalsame Media