Askar Itoobiyaan ah oo ku dhimatay shil diyaaradeed

0

(Khartuum) 10 Feb 2019 – Saddex askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku geeriyootay 10 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, markii ay bur-burtay diyaarad Helikobtar ah oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee Koofurta Suudaan.

Diyaaraddan ayaa ku bur-burtay Saldhig ay Ciidamadu ku leeyihiin Gobolka Abyey oo dhaca xadka kala qeybiya Koofnur Sudaan , Suudaanta Waqooyi, iyo Itoobiya, xilli ay Ciidamo kasoo daabuleysay degaanka Kadugli ee Dalka Suudaan.

Lamana oga sababta keentay shilkan, balse taliye ku xigeenka howl-galka UNISFA, Maj. Gen. Gebre Adhana Woldezgu, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay baarayaan.

War kasoo baxay howl-galka UNISFA, ayaa lagu sheegay in ay Diyaaraddu saarnaayeen 23 Qof, waxanay sheegeen in Saddex ka mid ah 10-ka Qof ee dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.

Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA eek u sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.

Suudaanta koofureen ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka Labada Dal ka billoowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka.

Hadalsame Media