Macallin Solskjaer oo sameeyay arrin CEEBAYSAY Jose Mourinho!

0

(Manchester) 10 Feb 2019 – Kaddib guushii sahlanayd ee gegada Craven Cottage ee shalaytoole ayaa kooxda Man United ka caawisay inay sii amba qaaddo rikoodhkeeda guuldarro la’aanta ee ay dabaqday tan iyo imaanshihii macallinka Norwegian-ka ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa se hal arrin wejiga uga gubey ninkii ka horreeyay, waayo wuxuu dhanka Premier League laba bilood gudohood ku badiyay kulamo ka badan kuwii uu Manchester United u badiyay Jose Mourinho fasalka oo dhan.

Guushii Sabtigii ee ay 3-0 direen Fulham waxay macallinkan Norwegian-ka ah u ahayd tii 8-aad, 9 kulan oo uu kooxda hoggaaminayay, isagoo kooxda soo taagey kaalinta 4-aad ee lagu aado CL, halka uu macallinkii Portuguese-ka ahaa uu helay 7 guul oo qura.

Ninkan 45-jirka ah ayaa soo saaray xirfaddii ku aasnayd laacibiin ay ka mid yihiin Paul Pogba iyo Anthony Martial oo shalay guusha lugtooda ku keenay.

Hadalsame Media