DARAASAD: Doobnimada oo la sheegay inay ka daran tahay cudurro badan oo HALIS ah!

0

(Hadalsame) 10 Feb 2019 – Daraasad cusub oo dad ka nixis ah ayaa sheegay in kalinimadu ay ka halisan tahay cudurro khatar ah sida buurnaanta.

Insaanka ayaa lagu sheegaa xayawaan bulshaawi ah balse waxay iminka u muuqataa inay arrintu intaaba kasii xag jirto oo ay la jirka dadku muhim u tahay caafimaadkeenna.

Tirakoob cusub oo soo baxay ayaa sheegaya – in kalinnimadu ay keeni karto ixtimaal gaaraya in 50% uu qofku cimri degdego, marka la barbardhigo halista iyo geerida ay keento buurnaanta oo ah 30%.

Waxaa jira tusaale cad, sida in marka uu dhib keeno mid ka mid ah maxaabiistu lagu xiro meel gaar ah ciqaab ahaan (solitary confinement), sidoo kale carruurta ayaa meel gaar ah la fariisiyaa marka laga hargali waayo.

Caafimaad ahaan, waxaa la sheegaa in haarmoonnada qaar sida midka loo yaqaanno Oxytocin ama Love Hormone uu jirku sii daayo marka uu taabto qof kale ama uu hab siiyo, dhabarka bab ka siiyo iwm, waana mid muhim u ah degannaanta niyadeed ee qofka.

 

Hadalsame Media