Beeraleeyda Soomaaliyeed oo suuq wanaagsan ka helay Turkiga & arrin ay tahay inay hubiso DF Somalia

0

(Muqdisho) 10 Feb 2019 – Beeraleeyda Soomaaliyeed ayaa suuq cusub Turkiga uga helay waxyaabaha kasoo go’a beerohooda, iyadoo dhowaan Muqdisho laga dhoofiyay liin dhanaan la qallajiyay iyo sisin fara badan.

Bashiir Abdirabbi Hassan oo hoggaamiya shirkad dhowaan bilowday inay liimada Turkiga u dhoofiso ayaa arrintaa ku tilmaamay fursad dahabi ah oo wax tareeysa dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay sii shiiqayaan suuqyadii kale.

Shirkaddiisa oo liimada kasoo iibsata beeraleeyda gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan waxay Turkiga u direen 1,600 oo kiish.

Xasan ayaa sheegay in ay markii hore badeecooyinkan u rari jireen dalka Imaaraadka, balse uu suuqaasi liitey afartii fasal ee ugu dambeeyay, sida uu u sheegay Radio Ergo.

“Hadda waxaan helnay suuqan cusub oo ay baahidu ka badan tahay kana fiican tahay, horumar wanaagsan ayaana samaynay.” ayuu yiri, isagoo sheegay inay doonayaan inay sanadkii dhoofiyaan 25 tan oo liimo ah.

DF Somalia ayaa looga baahan yahay inay kala nidaamiso waxyaabaha laga dhoofinayo dalka oo ay baahiyaha jira is waafajiso, si aan loo dhoofin waxyaabo looga baahan yahay dalka gudihiisa.

Hadalsame Media