DAAWO: Ilhaan Cumar oo si xirfadaysan uga jawaabtey arrin ay ku XUUXINAYSEY saxaafadda Maraykanku

0

(New York) 10 Jan 2019 – Ilhaan Cumar oo ah gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreeysey ee abid gasha Aqalka Koongarayska Maraykanka ee Capitol Hill ayaa markale ka hadashay arrin ay beryihii dambe ku xuusinaysay saxaafadda Maraykanku.

Ilhaan Cumar ayaa lagu haystaa war ay ku taageeraysay shacabka reer Falastiin, iyadoo Israel ku eedaysay inay ”adduunka sixirtay” oo ay tahay in lagu baraarugo xumaanta ay faleeyso oo tillaabo laga qaado.

Waxaa su’aasha arrintaasi oo ay kariska ka badisay saxaafadda Maraykanka, gaar ahaan kuwa dhanka midigta u janjeera, isla markaana ay buunbuuniyeen qolooyinka haysta mad’habta Evenglicans-ku, markale hor dhigay Trevor Noah oo ay marti markale ugu ahayd barnaamijka ”The Daily Show”.

Ilhaan Cumar ayaa ku af celisey war uu nuxurkiisu yahay ”in marka hore ay tahay in lakala saaro dalka, dadka iyo maamulka xukumaya, oo haddii ay tusaale ahaan dhaliisho Israel, Sucuudiga ama Venezuela aanu micnuhu ahayn inay neceb tahay dadka halkaasi ku nool iyo diimaha ay haystaan, balse ay dhaliishu la xiriirto uun hab-dhaqanka nidaamka ama taliska goobtaa ka arrimiya.”

Shacabkii goobta joogey iyo kuwii markii dambe faallaynayay muuqaalka, ayaa u muuqda kuwo ugu yaraan waqti xaadirkan ku qancay qaabka xirfadaysan ee ay Ilhaan uga jawaabtey arrintaasi.

Dadka ayaa sidoo kale soo dhoweeyay ajendaha siyaasadeed ee Ilhaan oo ku qotoma sida ay sharraxday in miisaaniyadda Maraykanka oo inta badan u jihaysan dhanka ciidamada wax laga bedelo oo wax badan la geliyo kobcinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, qaamaha ardayda, dadka guryo la’aanta ah iwm.

Dad badan ayaa dood ka qaba sababta ay mustaxiil u tahay in Israel la dhaliilo sida dal kastoo kale, iyadoo aan lasoo hadal qaadin kelmadda ”Yuhuud nacayb” oo ah leebal lagu hirgeliyo falalka gurracan ee dalkaasi.

Hadalsame Media