Wax kasta oo aad uga baahan tahay jadwalka soo saarista shidaalka Somalia

0

(London) 08 Feb 2019 – Waxaa shalay magaalada London ee carro Ingiriis lagu dhigay shir looga hadlayay shidaalka ay suurtagalka tahay in Somalia laga soo saaro.

Haddaba, waloow ay jiraan been iyo tashwiishyo badan oo shirkaa lagu furay misna waxaa hubaal ah inuusan ilaa haatan jirin shidaal lasoo helay sidaa darteed ay mustaxiil tahay in la iibiyo wax aan gacanba ku jirin, balse ay arrintu weli mareeyso marxaladda sahanka iyo xogaha la xiriira waxa ilaa iminka la helay.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa jadwalka guud:

Sebtembar 2019: Waxaa bilaaban doona diiwaan gelinta shirkadaha loo gudbiyay xogtii Batroolka Soomaaliya.

Oktoobar 17, 2019: Waa xilliga kala dambeysta ah ee diiwaan gelinta shirkadaha danaynaya shidaalka Soomaaliya.

Oktoobar 31, 2019: Waa xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya inay kaga soo jawaabto su’aalaha la xiriira habka loo samaynayo soo jeedinta barnaamijka.

Nofeembar 6, 2019: Waxaa la xirayaa xogtii la soo gudbiyay dibna looma eegi doono.

Nofeembar 7, 2019: Taariikhda soo bandhigidda dalabyada, shirkadaha ku guuleysta dalabyadan ayaa wax yar kaddib la shaacin doonaa.

Diseembar 9, 2019: Waa Taariikhda la saxiixi doono heshiiska wax soo saar qaybsiga oo lala galayo shirkadda ku guuleysata shidaal baarista.

Diseembar 19, 2019: Waa xilliga kama dambeysta ah ee si wada jir ah heshiiskii la gaaray ay u ansixin doonaan Golaha Wasiirrada iyo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Janaayo 01, 2020: Waa maalinta ugu mihiimsan ee wax ku oolka ah ee la kala saxiixan doono sida loo qaybsanayo Shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya.

Waxaa Diyaariyay: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media