Maxay tahay shirkadda Spectrum ee sahminaysa shidaalka Somalia?

0

(London) 07 Feb 2019 – Goormaa la aasaasay shirkada maanta soo bandhigtay sahankii ay ka sameysay gunta badda soomaaliya.

Shirkada Spectrum waxaa la yagleelay 1986 waxaana London ku dhidbay labo nin oo u dhashay dalka Norway.

Spectrum waxa ay biloowday in ay dunida isku baahiso 2005 waxayna iminka xafiisyo ku leedahay:

Norway
UK
USA
Brazil
Australia
Indonesia
Singapore

Waxa ay shirkadu hada shaqo sahan ka wadaa marka laga hadlayo qaarada Afrika:

Somalia
Gabon
Mozambique
Madagascar

Dalka Madagascar waxa ay soo bandhigtay 44 buqcadood Waxaana heshiis ay la saxiixatay shirkada dalkaasi macdanta iyo shidaalka u qaabilsan ee OMNIS

Soomaaliya waxa ay heshiis kula jirtaa wasaarada badroolka maadaama aan wali la dhisin heyadii Badroolka qaranka.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media