DAAWO: Taageerayaal fara badan oo saf u galay saxiixa Patrick Cutrone

0

(Milano) 07 Feb 2019 – Qannaas yaraha kooxda AC Milan ee Patrick Cutrone ayaa Dukaanka Adidas kula kulmay taageerayaasha Rossoneri.

Laacibkan soo baxaya ayaa ogolaaday inuu taageerayaasha funaanado iyo warqado ugu saxiixo dukaanka Adidas Store ee Milano, dhacdo loogu magac daray la kulan oo salaan taageerayaasha ama Meet & Greet.

Yeelkeede, waxaa meeshii kusoo xoomay jamaahiir xiisaynaya inay la kulmaan laacibkan, waxaana muuqaal laga duubay ka muuqanaysa kalgacalka ay taageerayaasha Milan u hayaan xiddigan.

Hadalsame Media