DAAWO: Imisa sano ayay Somalia ku yeelan kartaa awood ay ku maamusho shidaalkeeda?

0

(London) 07 Feb 2019 – Mid kamid ah Khubarada maanta ka qaybgashay shirka looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya ayaa la waydiiyay doodda ku aaddan in shidaalka Soomaaliya si khaldan looga faa’iidaysto, maadaama ay dadka qaar u arkaan in aanay diyaar ahayn ayaa ku jawaabay:

”In Soomaalidu ay arrintaas ka walwalsho waa loo baahan yahay waana mid wanaagsan balse anigu kuma raacsani walwalka heerkaas ah, Qandaraaska maanta la soo bandhigay waxaa uu si sax ah u qaabaynayaa xaaladda Soomaaliya.”

”Waxaana ognahay in dawladda Soomaaliya aanay khibrad wanaagsan u lahayn maamulidda ganacsiga shidaalka, sidaas darteed waa in ay dhistaa khibradeeda, taasi oo qaadan karta Muddo 20 sano ah.” ayuu raaciyay.

”Qandaraaska ama heshiiska la samaynayo waa mid fudud, si loo maamulana waa ay sahlanaanaysaa.” ayuu ku dooday Khabiirkan oo ka mid ahaa wafuudii maanta ka qaybgashay shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya, mar uu waraysi siinayay Talefishinka Somali cable.

Hadalsame Media