LA YAAB: Siyaasi xaniinyihiisa iibinaya!! (Maxaa ku khasbay maxay se ka leeyihiin dhakhaatiirtu?)

0

(Ururi) 08 Feb 2019 – Ian-Harriel Kowiti, oo kasoo jeeda Uriri Constituency oo ka tirsan ismaamulka Migori County, ayaa sheegay in si uu faqriga uga boxo uu isku dayay inuu iibiyo mid ka mid ah xaniinyihiisa oo uu siisanayo Sh500,000 (nus milyan).

Kowiti, oo sidoo kale isku dayay inuu siyaasadda galo isagoo doorashadii guud uga qayb galay musharrax madax banaan ahaan, ayaa sidoo kale doonaya inuu kelyihiisa middood ku iibiyo Sh1.5 milyan maxalli ahaan, haddii uu dibedda ka iibinayana waa taa 3 laabkeed.

“Maxaan uga baahnahay inaan laba lahaado (xaniinyood) haddii aan mid qura shaqada si wanaagsan ugu qabsan karo?” ayuu Kowiti is waydiiyay isagoo la hadlaya The Nairobian.

Kowiti oo ah 27-jir hadal deggan ayaa ku dooday in aanay lacag qura ahayn sababta uu xaniinyihiisa u iibinayo, balse uu doonayo inuu wax taro qof kale oo laga yaabo inuu ma dhalays u yahay hal xaniinyo, waloow uu qiray inuu qadyaan ka taagan yahay faqriga.

MAXAY DHAKHAATIIRTU KA YIRAAHDEEN?

Waloow uu raggu hal xaniinyo hoowshiisa ku qabsan karo, misna culimada caafimaadka ayaa meesha ka saaray in xaniinyo la tallaali karo.

Dr David Kimani oo u warramayay isla The Nairobian, ayaa hoosta ka xarriiqay inay “mustaxiil iyo waxaan dhici karin”  tahay in xaniinyo la tallaalo, weligiina aanu maqal arrintaas.

Dr Huldah Adhanja, ayaa sheegtay waloow ay dhacdo inuu qofi ku dhasho hal xaniin aanay taasi ka dhignayn in haddii mid la bixiyo uu kan haray shaqaynayo, waxaa sii dheer in aanay jirin aqoon iyo agab maxalli ah oo arrintaa lagu qabto oo Kenya laga heli karo.

Hadalsame Media