SHIINAHA: Masaajidda oo la suray calanka Shiinaha & Muslimiinta oo khasab lagu siinayo Doofaar & Aalkolo + Sawirro

0
FILE - In this Nov. 4, 2017, file photo, a child rests near the entrance to the mosque where a banner in red reads "Love the party, Love the country" in the old city district of Kashgar in western China's Xinjiang region. Since 2016, Chinese authorities in the heavily Muslim region of Xinjiang have ensnared tens, possibly hundreds of thousands of Muslim Chinese, and even foreign citizens, in mass internment camps. The program aims to rewire detainees’ thinking and reshape their identities. Chinese officials say ideological changes are needed to fight Islamic extremism. (AP Photo/Ng Han Guan, File)

(Beijing) 08 Feb 2019 – Shiinaha ayaa  bilaabay bahdil iyo tacaddi ba’an oo kula dhaqmayo Muslimiinta dalkaasi, iyadoo dhamaan masaajidda ku yaalla dalkaasi Shiinaha lagu amray in ay masaajidda suraan calanka dalkaasi si loo xoojiyo wax lagu sheegay ‘shucuurta wadaninimo’ ee Muslimiinta dalkaasi, sida ay sheegtay Jamciyad Islaami ah oo ay samaysatay dowladda Shiinuhu.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogaysanayo tacaddiga uu Xisbiga Shuuciga ah ee dalkaasi kula kacayo dadka Muslimiinta ah.

Todobaadkii hore, dad laga soo daayay xabsiyo lagu sheegay in lagu ”dhaqan celiyo” Muslimiinta ayaa tilmaamay in lagu khasbay inay cunaan hilibka doofaarka isla markaana cabaan aalkolada, taasoo mamnuuc ka ah Muslimiinta.

War kasoo baxay dhanka Beijing ayaa ku amraya masaajidda inay dadka u sharraxaan ‘mabaadii’da asaasiga ah’ ee Xisbiga Hantiwadaagga ah, iyagoo weliba ugu dabaqaya diinta Islaamka si ay qalbiyada ugu qabsadaan, sida lagu yiri warkaasi.

Jamciyadda Islaamiga ah ee Shiinaha ama China Islamic Association oo ah urur ay dhoodhoobatay dowladda dhexe ee Shiinaha ayaa iminka awood loo siiyay inay kaligood bixin karaan rukhsad imaam noqoshada wadaadada dalkaasi ee Muslimka ah.

Wiiil yar oo ag maraya albaabka masjid ay ku qoran tahay “Jecloow xisbiga, Jecloow dalka” oo ku yaalla degmada qadiimiga ah ee Kashgar in galbeedka gobolka Xinjiang.
Omir Bekali oo la ooynaya xanuunka niyadeed ee uu ka qaaday intii uu ku jirey xabsiyada lagu magacaabo kuwa dhaqan celinta.

Hadalsame Media