Arrin haddii ay dhab tahay ay Somalia ku dhacan tahay oo kasoo korodhay dhanka baarista shidaalka

0

(London) 08 Feb 2019 – Waxaa shalay magaalada London ee caasimadda Britain lagu qabtay shir looga hadlayay iib gaynta shidaal la filayo in laga soo saaro xeebaha koonfureed ee dalka Somalia.

Arrinta shidaalkan ayay kooxaha dowladda ku kacsani qaabab kala duwan u siyaasadeeyeen, waxaa sidoo kale la arkayay saxaafad qalaad sida midda Imaaraatka oo uga hadlaysa si ka arradan xirfadda wax tebinta iyo ixtiraamka arrimaha gudaha dalalka kale.

Yeelkeede, waxaa soo korortay arrin kale oo ay dad badani ka digayaan in lagu dhaqaaqo, waxayna ku saabsan tahay saamiga ay shacabka Soomaaliyeed ka helayaan haddii saliiddaasi lasoo saaro.

Sida lagu qoray warqaadka badanaa dhaqaalaha ka faallooda ee Bloomberg cadadkiisii soo baxay 28 Maajo 2015, wuxuu dhigayaa in Soma Oil & Gas Holdings Ltd., oo uu hor kacayay hoggaamiyihii Xisbiga Muxaafidka ah ee U.K., Michael Howard, uu dowladda Somalia u bandhigay hindise qabyo ah oo ay ku xusan tahay inay Somalia dakhliga shidaalkaasi ku yeelanayso wax aan ka badnayn 10%.

Heshiiskan qabyada ah oo ay Bloomberg sheegtay inay ka heshay saraakiil ku dhow sharikaddan ayaa waxaa ku xusan in 10% ay Somalia taasi u waajibayso oo qura haddii maalintii lasoo saaro 15,000 oo fuusto oo saliid qeeriin ah, welibana waa haddii la helo bed guntiisu gaarayso 1,000 mitiri ama 3,281 oo cagood, isla markaana uu sicirka fuustadii ka yar yahay 70 doollar.

Waxaa heshiiskan ku qoran, in haddii uu wax soo saarku gaaro 150,000 oo fuusto maalintii, uu sidoo kale kordhayo saamiga Somalia oo gaaraya 30% oo qura.

Arrintan ayay dad badani ku tilmaameen mid u danaynaya sharikaadka sahminaya shidaalka, laakiin ay ku dhacan tahay Somalia, balse heshiiskan kuma cadda inay Somalia xilligaa aqbashay tibxaha heshiiskaasi iyo in kale.

Halkan ka AKHRI nuqulka asalka ah…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media