DHEGEYSO: RW Abiy Ahmed oo sameeyay arrin kale oo muujinaysa inuu Soomaalida kula dhaqmo QOSOL MARAN! (Soomaalida oo uu markale hagraday)

0

(Addis Abeba) 08 Feb 2019 – Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka xudduudaha iyo dib-u-heshiisiinta ee dalka Itoobiya, ayaa 41 xubnood oo gudigaas ka kooban yahay Soomaalida ka siiyey 1 xubin oo keliya, halka Tigreega laga siiyey 12 xubnood.

Kaaga darane , xubinta Soomaalida la siiyey waa gabar dhalinyaro ah oo sida la sheegay ay weliba hooyadeed Oromo tahay, taas oo aan wax badan kala socon khilaafaadka Soomaalida iyo Oromada amaba aan ka tari karin, arrimaha xuduudaha iyo qaddiyadaha la isku hayo.

Xubnaha guddigaas ee dhanka diimaha waxa uu RW Abiy ku soo daray baadariyaasha madaahibta Kiristaanka oo dhan, halka Culimada Soomaalida aan waxba lagaga darin oo doorkii Islaamka la siiyey wadaaddo oromo ah.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah qoraa ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika ayaa Radio Daljir arrimahaasi uga warramay.

 

Hadalsame Media