Maraykanka oo hal arrin soo jeediyay haddii la doonayo nabad ka islaaxda Somalia

0

(Washington, DC) 08 Feb 2019 – Maraykanka ayaa sheegay in waloow ay weerarrada cirka ah ee ay ku qaadaan kooxda Al Shabaab uu wiiqayo awooddooda is abaabul, aanay misna si kama damabyn ah uga adkaanaynin, sida uu sheegay jeneraalka hoggaamiya ciidamada dalkaasi ee Afrika.

Tan iyo Abriil 2017, wuxuu Maraykanku xoojiyay weerarrada uu Somalia ka gaysto ee ka dhanka ah kooxda Shabaab oo u daroonno ku weeraro.

Sanadkii tegey ee 2018, U.S. Africa Command waxay qiyaaseen inay dileen 323 dagaal yahan oo ka tirsan al Shabaab kaddib ilaa 50 weerar oo dhanka cirka ah, haatan oo sanadka cusub ee 2019 laga qabo 5 todobaadna waxay sheegteen inay durba dileen 118 ka tirsan kooxdan xagjirka ah.

Mar uu ka hor hadlayay Guddiga Adeegyada Ciidamada ugu qaybsan Senet-ka dalkaasi, wuxuu Jeneraal Thomas Waldhauser sheegay in ujeedkoodu yahay xoojinta DF Somalia.

“Ugu dambayntii, weerarradan cirka ihi kama adkaanayaan al Shabab, balse waxay fursad siinayaan sidii ay DF iyo ciidamad SNA ula wareegi lahaayeen amaanka dalkooda” ayuu ku dooday Jen. Waldhauser.

Maraykanka ayay Somalia ka joogaan ilaa 500 oo askari oo sida la sheegay taageera ciidamada Xoogga Dalka Somalia iyo AMISOM.

“Ciidamada SNA waxay u baahan yihiin inay kobcaan, waxay u baahan yihiin inay kor u kacaan, waxayna u baahan yihiin inay mas’uuliyadda amaanka dalkooda la wareegaan,” ayuuu raaciyay Waldhauser.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka Somalia soo maray ayaa sabab kastoo ay tahayba ku guulaysan la’ inay dhisaan ciidamo qaran oo uu dalku yeesho, waxaana in badan xagal daaciya la’aanta rabitaan siyaasadeed oo heer qaran ah oo ka timaada dhamaan inta ay taladu ka go’do min heer gobol ilaa heer qaran.

Hadalsame Media