Dowladda Jarmalka iyo Qaramada Midoobay oo Malaayiin doolar ku bixinaya tayeynta hay’addaha amniga Soomaaliya iyo Booliska +Sawirro

0

(Muqdisho) 08 Feb 2019 – Barnaamijka wadajirka ah ee Booliska Soomaaliyeed ayaa helay deeq lacageed oo gaaraysa 8 Milyan oo Yuuro (8 million Euros) waxaana taasi ay qayb ka tahay heshiis u dhaxeeya dowladda Jarmalka iyo Qaramada Midoobay.

Qorshaha heshiiskan cusub ayaa waxaa qayb ka ah in ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa amniga ay kala wareegaan amniga dalka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Mashruucaan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah in dib habeyn iyo tayeynba lagu sameeyo ciidamada booliska ee maamullada xubnaha ka ah dowladda dhexe Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Guddoomiyey shirkaasi looga hadlayay Tayeynta Hay’addaha Amniga heer Federaal iyo heer Dowladd Goboleed kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo hay’addaha caalamiga ah ee Taageera Soomaaliya.

Shirka intii uu socday ayaa waxaa lagu go’amiyay in deeq bixiyaasha ay dib uu bilaabaan deeqaha ay siin jireen Booliska Dowladda Goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya.

Hadalsame Media