Shiinaha oo lagu eedeeyay inuu isu diyaarinayo dagaalkii ugu waynaa adduunka + Sawirro

0

(Beijing) 08 Feb 2019 – Sanatar ka tirsan Jamhuuriga ayaa Shiinaha ku eedeeyay inay diyaarinayaan Dagaal 3-aad oo dunida ka dhaca, balse wuxuu iska indha tiray doorka uu Maraykanka laftiisu taa ku leeyahay.

Senatar James Inhofe oo metela gobolka Oklahoma ayaa eeddaasi u jeediyay Shiinaha isagoo sheegay inay wax la hullaaban yihiin oo ay qorshaynayaa Dagaalka 3-aad ee dhegta loo wada taagayo.

Sida uu qabo Inhofe, Maraykanku wuu ka seexday dhaqdhaqaaqa Shiinuhu ka wado bad yarada South China Sea, oo sida uu sheegay uu ka dhisay jasiirado macmal ah oo uu hadhoow u adeegsado tuurista gantaalaha istaraatijiga ah.

Hadalsame Media