HAYAAY! Cudur leh tilmaamaha ”aflaamta cabsida” oo ka dillaacay Woqooyiga Ameerika + Sawirro

0

(New York) 08 Feb 2019 – Caabuq laayaan ah oo ku dhacaya ugaarta dabataagta oo loo yaqaanno ‘zombie deer disease’ ayaa sidii tubaashii ugu faafaya Woqooyiga Ameerika, sida ay wararku sheegayaan.

Cudurkan oo markii hore si kale loo fahamsanaa, ayaa noolaha ka weeraraya maskaxda, xangullaha iyo nudayaasha kale, isagoo haleelaya duurjoogta daba-taagta, biciidka, xayawaanka loo yaqaanno Moose-ka iwm.

Wuxuu marka dambe keenayaa geeri – balse, waxay taasi imanaysaa uun kaddib marka uu si deg deg ah xayawaanku u caatoobo isla markaana uu miisaanka socodku ka lumo, isagoo noqonaya hujuumi weeraraya wixii uu arko.

Sida uu sheegayo CDC, cudurkan ayaa bishan Jannaayo laga helay ugu yaraan 24 gobol oo Maraykanka ah iyo 2 gobol oo Canada ah, halka sanadkii hore ee 2018 uu ku ekaa 2 gobol oo qura.

Cudurkan ayaa lagu mitaalay Zombie oo ah muuqaal mala awaal ah oo badiyaa lagu arko aflaamta cabsida ah (Horror), kaasoo ku saabsan mayd sixir lagu istaajiyay oo weerar ah.

Hadalsame Media