MID HAAY MID HOO! AC Milan oo qorshe u dejisey laacibiinta Kessie & Bakayoko

0
MILAN, ITALY - OCTOBER 21: Tiemoue Bakayoko of AC Milan comes on for Franck Kessie of AC Milan during the Serie A match between FC Internazionale and AC Milan at Stadio Giuseppe Meazza on October 21, 2018 in Milan, Italy. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

(Milano) 08 Feb 2019 – AC Milan ayaa sida lasoo sheegayo waxay ka baaraan degeysaa inay iska dirto raacaha Franck Kessie si ay u wada iibsato laacibka ay Chelsea kasoo amaahdeen ee Tiemoue Bakayoko.

Sida ku xarriiqan Corriere dello Sport, Bakayoko ayaa Kessie haatan uga muhiimsan Milan oo door bidaysa inay ku bedelaan xiddiga ay weli Chelsea leedahay.

Wargayska ayaa sidoo kale qoraya in ay dhici karto inay labada kooxi isku bedeshaan labada laacib, maadaama ay Blues ”jeceshahay” laacibkii hore ee Atalanta.

Kooxda Rossoneri ayaa leh ikhtiyaar ay €40m ugu iibsan karto 24-jirkan, balse waqti xaadirkan lacagtaa kaash ahaan uma hayso maadaama ay 70m oo euro ku keentay Lucas Paqueta iyo Krzysztof Piatek, isla markaana ay UEFA ku dheggan tahay.

Kessie, ayaa haddii uu tago, waxay Milan durba sii ishaaratay laacibka khadka dhexe ee FC Porto, Hector Herrera, kaasoo ay xagaaga keensan karto.

Hadalsame Media

Facebook Comments