DAAWO: Wiil yar oo Hindi ah oo ku dhashay xaalad naadir ah & dhib haysta!

0

(Delhi) 08 Feb 2019 – Pruthviraj Patil wuxuu qabaa cudur naadir ah oo la yiraahdo hypertrichosis, laguna naanayso Werewolf Syndrome, kaasoo uu ku dhashay.

Wiilkan oo la ruman yahay inuu ka mid yahay 50 qof oo cudurkan qabta caalamka oo idil, ayay qoyskiisu isku dayeen nooc kasta oo dawo ah, sida laysarka iyo dawo dhaqameedka Hindiya ee Ayurvedic, balse midkoodna ma caawinin.

Wiilkan yar oo 8 jir ah oo dhib ku qaba cunitaanka cuntada maadaama ay tintu u gelayso, mararka qaar ay neeftu dhibeeyso ama ay araggiisa qarinayso ayaa dhakhaatiirta ugu baaqay in la daweeyo.

Pruthviraj ayaa sidoo kale dhib ku qaba u bixitaanka dibedda, gaar ahaan iskuullada, meelaha aan laga aqoon oo aad loogu dhaygago ama la maago ama lagu maadaysto.

Dr Vinay Saoji, oo sameeya qalliinnada qurxinta, ayaa sheegay in dawo daayoo aanu abidkii arag qof qaba xaaladdan Pruthviraj, oo ah mid lagu dhasho oo ku tidcan hidde sidka qofka.


Hadalsame Media