Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Diblomaasiyiinta qunsiliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah

0

(Muqdisho) 07 Feb 2019 – Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu faray dhamaan diblumaasiyiinta iyo u qayb-sanayaasha qunsiliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Jiddah inay yimaadaan xarunta wasaarada arrimaha Dibadda ee Magaalada Muqdisho, 30-maalmood gudahood.

Lama shaacin sababta, laakin waxaa loo maleynayaa in dowladda Soomaaliya dib u qaabeyn ku sameyn doonto Diblomaasiyiinta qunsiliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

 

Hadalsame Media