XOG SHIILAN: Xaqiiqada shirka shidaalka ee London

0

(London) 07 Feb 2019 – Shirka London ee arimaha shidaalka soomaaliya waxaa ka qeybgalaya wafdi ka socda doowlada federaalka iyo afar xubnood oo ka socda maamul goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

UJEEDKA SHIRKU WAA LABA ARRIMOOD:

1 – Soo bandhigidda xogta ay xeebaha Soomaaliya ka uruurisay shirkada Spectrum taas oo bishii Sebtembar sanadkii 2015 ay rukhsad u siisay sahminta shidaalka Soomaaliya dowladii hore.

2 – In Shirkadaha daneenaya mustaqbalka maalgashiga Soomaaliya ay arkaan xogtaasi, mana jiri doonto wax heshiis ah oo hada la saxiixayo sida ay sheegeen xubnaha wufuudda oo aan gooni gooni ula xiriirnay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media, London