Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay deegaanka Bariire

0

(Bariire) 06 Feb 2019 – Ciidamada gaarka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykan ah ayaa ayaa weerar xoogan oo habeen dheemaal ah waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bariire oo 30KM u jirta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in afaafka hore ee deegaanka Bariire iyo gudaheedaba uu ka dhacay dagaal faraha la iskula tagay oo culus, waxaana dadka deegaanku sheegeen inay maqleen jugta madaafiic culus iyo qaraxyo.

Labo diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ah ee la yiraahdo ‘helicopters’ ayaa labada dhinac ee deegaanka ku kala degey, waxaana kadib duqeynta geystey diyaarad Drone ah oo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Maraykanka ah ay ka dageen Bariire kadib beegsatay Saldhig ay ku sugnaayeen Al-shabaab,

Wararka ayaa sheegaya in gudaha Bariire ay galeen Ciidamada gaarka ah dowladda Soomaaliya iyo kwua Maraykanka waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Warar aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in la arkay dhaawacyada dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo laga bixiyay deegaanka Bariire intii uu socday howlgalku.

lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta iyo weerarkii ka dhacay deegaanka Bariirre ee Gobalka Shabeelaha Hoose, hase ahaatee waxaa uu qayb ka yahay howlgalada kadiska ah ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media