Dowladda Soomaaliya oo shirka London ku soo bandhigaysa natiijada Sahan shidaal oo laga sameeyay Sooomaaliya

0

(London) 07 Feb 2019 – Wararka laga helayo Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa sheegaya in halkaas uu ka furmi doono saacadaha soo socda shirka looga hadlayo suuqgeynta Shidaal laga helay qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya wufuud ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay hoggaaminayso wasaaradda Batroolka iyo shirkad caalami ah oo qaabilsan arrimaha batroolka.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Batroolka waxaana ka dhashay iyadoona dad u badan siyaasiin ay shirkaasi ku sheegeen mid lagu xaraashayo qeyb ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ka jawaabayay walaaca Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu soo bandhigayo sahminta Shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya gaar ahaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Hobyo iyo Kismaayo.

Soomaaliya oo la aamisan yahay inay leedahay shidaal badan ayaysan dhinaca kale ka faa’iideysan sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed oo dalka la degay iyo sidoo kale dalalka Khaliifka oo aan rabin in Soomaaliya shidaal yeelato.

Hadalsame Media