SAWIRKII BAH’DILKA: ”Marka ugu xanuunka badani waa marka qofka lagu dul sawiro kistii lagu sadaqaystay!”

0

(Hadalsame) 06 Feb 2019 – Marka hore waa in meel fagaare ah lagu safaa sadaqadii yareyd ee dadkayga Soomaaliyeed loogu talo galay; Loor Bariis ah, Loor Bur ah iyo Loor Sonkor ah, gasac Caana boore ah, laba caag Saliid Caddeey ah iyo bac Timir ah.

Waa in markaa kaddib la dhex dhigaa astaanta dowladda ama hay’adda sadaqadaasi la baxday, kaddibna la sawiraa.

Dadkaygii Soomaaliyeed oo meel gadaal ah oo raashinka ka dambeysa iiga muuqda ayaa kaddib qof walba oo ka mid ah lagu aaddinayaa qoondadii loogu talo galay, intaa kaddib waxaa xigaya sawirkii ugu xanuunka badnaa oo ah dadkaygii oo qof walba dul fadhiyo kheyrkii yaraa ee loo soo dhiibay.

Mucaawinadan waxaa qaybisay hay’adda Khayriga ah ee Qatar, waxaana laga dhiibay magaallada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ku xusan boorka cas.

Si kasta oo ay ahaataba maanta dalkeennu ma laha dowlad dadka Soomaaliyeed daboosha baahidooda dhanka Cuntada, Biyaha iyo Dawada, sidaa darteed ma hureyso inaan u mahad celinno cid kasta oo noo kaalmeysa.

Waa arrin dani nagu xambaartay, balse ay khasab tahay in la helo xal looga boxo, waayo cidina ku hodmi mayso gacan hoorsi, marka laga reebo inaad ka dhaxasho wehsi iyo ma shaqaysannimo iyo danahaaga oo lagula maamulo, iyadoo lagaa qaada karo in ka badan inta aad bah’dilka ku cuntay.

Muuqaalkan hortiinna ka muuqda mid ka qurxan oo ay dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin inay indhahaygu qabtaan ayaan ILAAHAY ka baryayaa.

Waxaa Diyaariyay: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media