Xuuraansiga shirka shidaalka London & hal arrin oo lagu eedeeyay DF Somalia!

0

(London) 05 Feb 2019 – Xalay Waxaan Sameeyey Xuuraansi iyo Xogwareysi ku Saabsan Shirka Shidaalka Soomaaliya EE Dhanka Badda EE Lagu Qaban Doono 7Feb Magaalada London.

Xogwareysigayga Waxaan ka Bilaabay Inaan la Kulmo oo Xogwareysto Waftigii Hordhaca ahaa EE ka Socday DFS, Dood adag ayaana Na Dhexmartey oo ku saabsan Shirka, Taasoo Doodu Ay ku Furantey

Maxay tahay ujeedada Dhabta ah ee shirkani?

Waftiga Hordhaca ah Waxeey Ii Sheegeen In Barnaamijka Shirku Uu Ku saabsan Yahay In Shirkadaha Danaynaya Arimaha Shidaalka Badda Soomaaliya ku Jira Loosoo Bandhigo Oo Ay Garwadeen ka Tahay DFS iyo Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, Shirkadaha Maalintaas Goob jooga ka ah Goobtana Ay Gaarayaan 64 Shirkadood.

Qorshaha Waa Soo bandhig oo qura Mana ahan Wax Shirkado Gaar ah loogu Danaynayo Soo Bandhigidaas kadibna Waxaa lasoo Bandhigi Doonaa Shirkadaha Danaynaya ayey Yiraahdeen mana iirto Block yo La Xaraashayo Sida Ay yiraahdeen, Qorshaha Waxuu Yahay Sida Ay Sheegeen 5-10 In Soo Saarida iyo Suuqgeyntuba Heer Fiican laga Gaaro.

Maadaama 10 sano kadib laga yaabo ineey yaraato Baahida aduunku u qabo Shidaalka oo Solar iyo electric aduunku inuu u guuro u badan tahay, Marka qayraadkaas illaahay nagu manaystey anagoon ka faa,iideysan in uu noqdo wax laga gudbay ayaa welwelka jira uu yahay.

Yaa kasoo Qayb Galaya Shirkaan?

Waxeey Yiraahdeen Waxaa kasoo Qayb galaya Xukuumada FS oo Uu Hogaaminayo R/Wasaare Ku Xigeenka Mahdi, Xubno Bfs oo Uu Hogaaminayo GX Muudeey, xubno ka Socda Dawlad Goboleedyada Soomaaliya, Ganacsato Soomaaliyeed,Quburo Xaga Shidaalka ah iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo Weliba 64 Shirkadaha Shidaalka Daneeya Ugu Yaraan 80 Qof oo Soomaali ah Baana kasoo Qayb Galaysa oo Intaas aan kor kusoo Sheegnay Isugu Jirta Wax gooni loo Qarsanayo oo Gaar ahna Maahan ayey Yiraahdeen.

Su,Aasha kale oon Weydiiyey Waxeey ahayd Maxaad Wacyigelin Ugu Samayn weydeen hadii Qorshuhu Sidaas Yahay Mase la Socotaan In Mudaharaad arintaas looga Soo horjeedo Abaabulkiisu Ka Socdo London?

Waxeey Yiraahdeen Waan ognahay Taas Wacyigelina umaanu Samayn Waan Qireynaa Taas Iyadoo Marka Soomaalideena ku Kala Aragti Duwan laga Soo Tago Ay Jiraan Dalal iyo Hayado Naga Lacag badan oo Doonayn In Soomaaliya Qayraadkeeda lasoo Baxdo Ay Dhici kartey In Ay Carqaladeeyaan Qorshaheena oo Ay Dagaal nagu Furaan.

Waxaa kale oo Ay Yiraahdeen Soomaalideena Mudaharaadka Wadana Waxaan Diyaar u Nahay Inaan la Fariisano oo aan ku Qancino Qorshahaan anagoo Wada Jira Oo ka Kooban Xukuunada FS, Golaha BFS,wakiilada DGS, Ganacsatada iyo Aqoonyahanada kale EE Shirka Qaybta ka ah.

Intaas kadib Waxaan Yara la Kulmay Ganacsatada Qaybta ka ah Shirka oo ka Yimid Soomaaliya Iyagana Waxaan Weydiiyey Idinku ka Ganacsato ahaan Kaalin Intee Le,eg baad Shirka Ku Leeyahiin?

Waxeey Ii Sheegeen Maadaama Maalgelin Ganacsi Meesha looga hadlayo Waa Qayb Kamid ah Shaqadeena Inkastoo Dhaqaale ahaan Anaga aanan Awoodin In aan Soo saarano Shidaalkaas Hadana Waxaan Danaynaynaa inaan Sidii aan Xiriir ula Sanaysan lahayn Shirkadaha dhaqaale ahaan Awooda u leh Soo Saarida Shidaalka kolaan Share ama Qidmad ku Darsano Hadaan Karo ama Aan ka Qaadano Qandaraasyada waxyaabaha Beriga Ay uga Baahan yahiin inaan u Sahalo Maadaama Halka Shidaalka Inlaga Soo Saaro la Rabo Ay tahay Badda… Iyaguna Waa Ganacsi lamaan Shirkadaha Danaynaya Soo Saarida Shidaalka hadeey Suuragasho.

Kadib Xalay Waxaan Tagey Goob Uu ka Socday Diyaar garoowga mudaharaadka Arintaan looga Soo Horjeedo oo lagu Shirsanaa, Asxaab Badan oo Saaxiibaday ah ayaanan ku kulanay oo Weydiiyey Sababta Aad u Diyaarinaysaan Mudaharaad Waxeey Ii Sheegeen In Shidaalkii Soomaaliya La Doonayo In Lagu Xaraasho 7da Bishan Magaalada London oo Ay Arintaas Wataan Shaqsiyaad Gaar ah aanay Doonayaan Ineey Difaacaan arintaas Shacuurtoodana Muujiyaan.

Waxaan la Wadaagay Xogahaas kore Qaarkood Waxeeyna Ii Sheegeen In aanay Dawlad Goboleedyadu kasoo Qayb galayn Shirkaan, Waxaan ana La Wadaagay In Xubnihii Ay Soo Wakiisheen Dawlad Goboleedyada Shanta ah Ay Talaado Ay kasoo Dagayaan Garoonka Heathrow Sida Ay Ii Sheegeen Xubno ka Mid ah Hordhaca Waftiga DFS, Xukuumada masuuliyiinteeda iyo Kuwa BFS Ay Imaanaanayaan Arbacada.

Guud ahaan Marka la Eego Dhaqdgaqaaqa ku Saabsan Shirka London Waxaa Muuqata In Is afgarasho La,aanta Taagani ay Salka Ku Hayso Is Xigwareysi La,aan ama Wacyigelin La,aan Ay Eedeeda Leedahay Xukuumada FS Si kastaba Ha U Dhacdo eh, Kuwa hawsha Wada iyo Kuwa Ku Mudaharaadayaba Waxaa Muuqata Inloo kala Sheekeeyey oo aanay jirin Mid Diidan In Soomaaliya Khayraadkeeda ka Faa,iideysato ama Lasoo Saaro.

Anigu Intaas Baan Xalay la Kulmay oo ku saabsan Arimaha London ka Socda oo Ku saabsan Shirka Shidaalka.

Adiga Maxaad ka Fahantey Ama Kaaga Baxay??

Waxaa Qoray: Durraan Shirwac

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media