BERBERA: MW Muuse Biixi oo lagu haysto bixinta qandaraas muhim ah oo aan loo tartamin (Daawo)

0

(Berbera) 06 Feb 2019 – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu haystaa inuu si aan nidaamka waafaqsanayn oo nin tooxsi ah ku bixiyay qandaraas muhim ah.

Qandaraaskan oo ku salaysan rakibaadda qalab loogu tala galay inuu sheego xaddiga iyo tayada alaabooyinka kasoo degaya dekedda Berbera.

Qandaraaskan oo uu bixiyay Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland iyadoo uu hirgeliyay Wasiirka Maaliyadda ee maamulka iminka jira, iyadoo aan la marin Guddiga Qandaraasyada.

Qandaraaskan ayaa la siiyay sharikad la yiraahdo Universal Matrix oo uu leeyahay nin ganacsade ah oo la yiraahdo Maxamed  Aw Siciid ayay waaxda Qandaraasyadu sheegtay in aanay waxba kala soconin qaabka loo maray qandaraaskaasi.

Guddoonka Guddiga Qandaraasyada Somaliland, Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay arrintan ku samayn doonaan dabagal.

MW Muuse Biixi ayaa xilligii doorashada ballan qaaday inuu qaab daah furan usoo bandhigayo qandaraasyada.

Muuqaalka: Horncable TV

Hadalsame Media