Maxay tahay sababta ay Soomaalidu iskugu mashquushay ee ay isu aamini la’dahay? (Xaraabad xikmad leh)

0

(Hadalsame) 06 Feb 2019 – Qof Soomaali ah hadaad isagoo daalan oo u socda Suuqa Xoolaha oo jooga Tarabuunka aad dhabarkaaga ku qaado oo marka aad mareyso miisaanka dhuxusha aad ku tiraahdo Wll iga deg aan soo kaadiyee wuxuu ku leeyahay kaa degi maayo.

Sabab? Haddaad tiraahdo, Wuxuu ku leeyahay maxaad ii soo qaaday markii hore. Muran iyo wuxuu ku galinayaa shakar kale.markaas naxariistii laga tagay.

Sidoo kale, Qof Soomaali ah hadaad ku tiraahdo ”Walaaloow Koobkaan biyahaa u gee qofkaas xanuunsan oo laamiga dhiniciisa kale yaala” waa khasab inuu dhex ku sii kabado. Markaasaa lakala shakiyay.

Marka hada dowladiina laguma aaminayo oo Loogama dambeynayo iney dalka & dadka wax ka qabato, iyadiina wixii loogu soo dhiibo dadkaan xanuunsan inteysan soo gaarsiin bay dhex ku soo kabaneysaa, markaasaa qoorta la isugu jiraaye Ilaahoow nakala saar.

SHEEKO KAFTAN AH

Mid reer Xamar ah ayaa ka raayay mid reer koraad ah, hadda kahor mid xabadi ku dhacday oo waddada yaalla ayaa ku qeylinayay. ”Waryaa Ilaaheey yaqaana meesha iga qaada.”

Mid meesha soomaray ayaa ku yiri ”UNUKA ILAAHEEY MA NAQAANO.” Mid kale oo maqlaayay baa ku yiri. ”War maxaad saas u leedahay?”

Kuye ”Ninkaan ma dhahooyo Waryaa Ilaaheey ka cabsada ee wuxuu dhahooyaa yaa ilaaheey yaqaan? Marka waa aqaanaa hadaan dhaho I TUS uu i dhahaaye Ani inteen ka keenaa Ilaaheey.”

Maxaa yaab isdabayaal!!!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media