XAGAL KALE: Dilka Maareeyihii Dekedda Boosaaso oo lala xiriirinayo dano & dalal kale

0

(Boosaaso) 06 Feb 2019 – Dilka ay Al Shabaab u gaysteen Maareeyihii Maltese-ka ahaa ee dekedda Soomaaliyeed ee Boosaaso ayaa la sheegay inuusan siyaasad shaqo ku lahayn, balse uu ahaa mid dhaqaale la xiriira, sida ay warqaadka Times of Malta u sheegeen xubno khubaro ah oo aqoon u leh xaaladda gobolka.

Paul Anthony Formosa, 52 jir, kasoo jeeda Marsascala, ayaa waxaa Isniintii magaalada Boosaaso ku khaarajiyay nin qorile ah, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al Shabaab oo ku dooday inay tani qayb ka tahay “qorshe ballaaran oo ay ku bartilmaameedsanayaan sharikaad calooshood u shaqaystayaal ah oo boobaya khayraadka Soomaaliya”.

“Al Shabaab waxay aalaaba sameeyaan weerarro ay ku wiiqayaan dowladda, balse midkani wuxuu lahaa qaabka Maafiyada. Waxayd ahayd farriin loo dirayo Imaaraadka oo la leeyahay danahaaga halkan annaga ayay naga go’aan,” ayuu yiri Nicola Pedde, oo ah agaasimaha mac’hadka Institute of Global Studies ee Roma oo u warramayay wargayska.

Dr Pedde ayaa sheegay in Puntland oo ka mid ah meelaha ilaa xad amaan ahaa degganaa ay sanadihii dambe wax iska bedeleen dhanka nabad gelyada sida uu yiri, isagoo sheegay in ay taa qayb ka tahay hardan ka dhexeeya Imaaraadka oo dekedo Somalia leedahay la wareegay isagoo aan soo marin DF Somalia iyo Shiinaha

Khabiirkan Dr Pedde ayaa sii hadlay oo sheegay in Punntland ay sidoo kale haatan joogto koox ka fallaagoowdey Al Shabaab oo doonaysa inay saamaynteeda ballaariso, isla markaana qaaddo weerarro caalami ah.

“Al Shabaab waxay badanaa dakhligooda ka helaan ganacsiyo sharci darro ah iyo dekedaha oo ay lacago ka qaataan,” ayuu yiri Dr Peddle, isagoo sheegay in sababta ay u leeyihiin waxaa la bililiqaystay ay tahay farriin ay lacag ku dalbanayaan.

Donald Brownrigg, oo ah qandaraas qaate gaar ah oo dhanka amaanka ah ayaa wax badan ku raacsan ninkaa hore, isagoo sheegay in  Al Shabaab ay badanaa weeraraan meelaha looga diido in lacago baad ah laga siiyo sida uu yiri, balse wuxuu habacsanaan ku eedeeyay P&O oo uu ninka dhintay maamulayay, oo hoos tagta DP World.

“Waxa iga yaabiyay waa in weerar noocan ihi uu qorshayn u baahan yahay, taasoo muujinaysa inay jirto is dhigasho dhanka sirdoonka ah dhanka P&O,” ayuu yiri Mr Brownrigg.

“Haddii ay arrintan ka war heli lahaayeen, ninkan dalka way ka saari lahaayeen inta ay xal kale ka helayaan.”

Isha: Times of Malta

Hadalsame Media