MAN CITY VS ARSENAL: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan

0

(Manchester) 03 Fab 2019 – Waxaa galabta kulan adag ku ballansan labada naadi ee Man City iyo Arsenal oo ku hardamaya boosaska muhimka ah ee Horyaalka Ingiriiska ee EPL.

Dhanka Man City: Citizens waa ogyihiin cilladda ay keeni karto haddii ay ka dib dhacaan cayrsiga Liverpool kaddib markii ay 3 dhibcood oo muhim ah khasaariyeen kulankii Newcastle United ee bartamihii todobaadka.

Guul ay Gunners ka gaaraan waxay kusii amba qaadi karaan raacdada Reds oo 5 ka sarreeysa, sidoo kalena waxay booska 2-aad ka xoreeysan kartaa Spurs oo shalay ka xoogtey.

Dhanka Arsenal: Arsenal waxay ciyaartan imanaysaa iyadoo sidata guul ay harjad kaga heshay kooxda Cardiff City, halkaasoo ay goolasha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ay xaqiijiyeen 3 dhibcood.

Guul ay Manchester City ka gaaraan waxay kooxda Woqooyiga London gayaysiinaysaa inay la dhibco noqdaan kooxda 4-aad taagan ee Chelsea, taasoo shalay 5-0 ku xaaqday Huddersfield Town.

Manchester City [4-1-2-3]: Ederson, Walker, Stones, Laporte, Danilo, Fernandinho, Silva, De Bruyne, Sterling, Aguero, Sane

Arsenal [4-1-2-1-2]: Leno, Maitland-Niles, Mustafi, Koscielny, Kolasinac, Xhaka, Torreira, Suarez, Ramsey, Aubameyang

Hadalsame Media