Muslimiin & Hindu goob cibaado isku qabsaday! (Fadlan ka faa’iidayso sheekadan)

0

(Hadalsame) 03 Feb 2019 – Hadda ka hor waqtigii ingiriisku gumeysanayey dalka Hindiya,ayaa dadka Hinduga ah iyo dadka Muslimka ah ee kuwada nool wadanka Hindiya ayaa waxa ay isku qabsadeen goob cibaado,

Hindusku waxay yiraahdeen ”inagaa halkani iska leh, Muslimiintuna waxay yiraahdeen ”innaga ayaa iska leh.” Garsoorihii ingiriiska ahaa wuxuu yiri: ”Ma jiraa cid aad ku wada kalsoon tihiin labadiinna qolo oo aan arrinka weydiiyo?”

Waxay isku raaceen sheekh Muslim ah oo ku cibaadeysan jirey meel magaalada duleedkeeda ah oo cidlo ah, markii loo tagay oo loo sheegay in maxkamada looga yeerayo wuxuu yiri: ”Waxaan ku dhaartey in uusan wajigeena is qaban qof kufaar ah iyo aniga.”

Garsoorihii wuxuu yiri: ”Dhib ma leh oo dhexdeenna xijaab baa noo dhexeynaya kaliya hadal unbaa laga rabaa.” Sheekhii maxkamaddii ayaa la keenay, waxaana la weydiiyey cidda iska leh meesha lagu murmayo. Wuxuu yiri: ”Ilaahey baan ku dhaartee Hinduskaa iska leh, Muslimiintuna waa kuwo dulmi ku socda, oo aan waligood meeshaas shaqo ku yeelan.”

Garsoorihii aad buu ula yaabay,,waxaana goobtaas ku Muslimay 4000 oo Hindu ah iyo garsoorihii Ingariiska ahaa, meeshiina Hinduskii u doodayey qaarkii kasoo hareyna waxay dhaheen meeshaas Muslimiinta walaalaheen ah ayaannu u deysannay, Meeshiina Masaajid weyn ayaa laga dhisay.

Dulucdu waxa ay tahay inaan marna gardarada loo hiillin ee xaqa la garab istaago, sida ILLAAHAY ku amrey hadaad ku socotana waxa aad heleysaa guul aadan boqolaal sano xaq darro ku xaqiijiseen.

Aayad Qur’aan ah ayaa iyaduna fareeysa in aysan cadaaladda naga hor istaagin nacaybka aan qolo u qabno.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xasan Diinooz

Hadalsame Media