AS ROMA VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Roma) 03 Feb 2019 – Waxaa caawa kulan aad u xiise badani uu caasimadda Talyaaniga ku dhexmarayaa labada kooxood ee AS Roma iyo AC Milan, Milan waxay ku jirtaa kaalinta 4-aad, balse Roma hal dhibic oo qura ayay ka hooseeysaa.

Dhanka Roma: Macallin Di Francesco oo uu kursigiisu qalqiil ku jiro kaddib natiijo xumo kooxdaasi lasoo deristey sida 7-1 ay Viola uga reebtay Koobka Talyaaniga ayaa dhexda ku tashanaya De Rossi oo u odayaynaya Pellegrini iyo muluqa Zaniolo. Dhanka dadabka midig Karsdorp ka cad cad Santon.

Dhanka Milan: Kooxda Gattuso oo aan dhanka horyaalka laga badin sidii uu sanadkani u bilowday ayaa doonaysa inay sii amba qaaddo bandhigga labadii kulan ee Napoli.

Waxaa safanaya 11-kii ka badiyay Napoli Koobka Talyaaniga oo kaliya lagu soo daray Suso iyo Calhanoglu, dhanka dadabka midig, Calabria ayaa weli ka horreeya Conti oo dhaawac kasoo kabsanaya.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 83 MIRANTE, 63 FUZATO, 18 SANTON, 15 MARCANO, 19 CORIC, 53 RICCARDI, 14. SCHICK, 34 KLUIVERT, 54 CANGIANO, 27 PASTORE
  • 90 A. DONNARUMMA, 35 PLIZZARI, 20 ABATE, 12 CONTI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 18 MONTOLIVO, 7 CASTILLEJO, 4 MAURI, 11 BORINI, 63 CUTRONE

AAN LA HELI KARIN

  • Cristante, Nzonzi

GANAAXAN

  • Perotti, Juan Jesus, Under
  • Zapata, Caldara, Bonaventura, Biglia, Reina

Hadalsame Media