Warbixinta weriye Terra oo hal arrin oo laga tillaabsan la’yahay mar kale na tustay (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 02 Feb 2019 – Weriyaha warbixinta sameeyay wuxuu soo bandhigay warqado uu ku sheegay inay yihiin qandaraasyo la sheegay in lala saxiixday hay’aad caalami ah, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin ashkhaas la magacaabay iyo sharikaad la yaqaanno, kuwaasoo ka tirsanaa Dowladdii uu majaraha u hayey Xasan Sh. Maxamuud.

Halkaa marka ay taagan tahay cidda ay arrintani khuseeyso waxay keeni kartaa caddayn xaqiiqo ku dhisaalan oo ku saabsan inay arrimahaasi been yihiin, si ay iskaga beri yeesho eedda loo jeediyay.

Yeelkeede, shacabka uma taallo inay iyagu go’aamiyaan sax iyo khalad wax uu yahayba, waayo meesha waxaa soo galay dokumentiyo saxiixan.

Sidoo kale qof eedda la jeediyay si dhab ah u aqbali karaa ma jiro ilaa la helo wax lagu taageeri karo eedaymahaasi, tusaale ahaan dhismayaasha iyo shirkadaha la sheegay waa dabcan dad la yaqaanno oo dib ayaa loo raaci karaa arrimohooda.

Sidoo kale waxaa warbixinta ku xusan sharikaad caalami ah oo iyagana lasoo heli karo diiwaannadooda, haddii ay qandaraasyo saxiixeen iyo tafaasiishooda. Intaa ka hor qofkii aan xog hayni ma noqon karo maxkamad cid gaar ah dembi ka tirta ama ku tirta.

ARRIN LAGA DHEEHDAY FAL-CELINTA WARBIXINTAN

Ha yeeshee, waxaan arkay dad badan oo difaac aan sal lahayn ku aruuray iyo qaar kale oo weerar iska qaaday markii uu soo baxay barnaamijkan daba galka ah oo shalay soo baxay, laakiin qaar badan oo dadkaasi ka mid ihi weerar ayay qaadi lahaayeen haddii uu barnaamijkaasi dhan kale ka hadli lahaa, halka kuwa hadda weerarka ihina difaactami lahaayeen hadii uu dhanka kale xuso.

Halka cillad uu dhaqankaa dib u socodka ihi leeyahay waa inaynaan abid ka adkaan doonin siyaasiga Soomaaliyeed, sababtu waxay tahay sax iyo khaladba mid baad difaacaysaa mid kalena waa ka hor jeeddaa si taa la mid ah, balse sabab waaqici ihi ma jirto dantaadiina daaqadda ayaad sidaa uga saartay.

Waxaa kale oo uu dhaqankani difaac istaraatiji ah u yahay siyaasi kasta oo ku takri falaya hantida umadda ee aan lahayn dux, iimaan iyo dadnimo uu xitaa wax uun ugu reebo shacabka, ee laakiin wax kasta liqaya xitaa aayaha dalka.

Siyaasi isku dan ma ihidine, u daa weriyaha shaqadiisa qabsado oo soo fago cid kasta mid hore mid hadda ah, waayo haddaad maanta taageerto berrina dhanka kale isagaa war ka keenaya, laakiin haddaad iska xiiqdo markii mid la sheego adigaaba doodda af jigaya oo in si xor ah loo hadlo soo afjaraya.

Maxay tahay danta kuugu jirta in hantida iyo xoolaha umadda maalin kasta la lunsado, dalkaagu uusan sidaa ku yeelanin hay’aad dhisan oo ka shaqeeya adeeggii bulshada, marka shilimaadkii yaraa ee dalka loosoo baryay ay dhowr tuug qaybsadaan?

Maxaad se ka helaysaa inuu dalkaagu maalin kasta kaalimaha xun xun dunida ka hoggaamiyo, sida musuqa, qabyaaladda, hab-dhaqannada dib u socodka ah ee duugoobey, baahida, khilaafyada, qaybsanaanta, qaxarka iyo baaba’sanaanta?

Warbixinnada oo bilaabay weriye Cabdirisaaq Terra waxay mudan yihiin in la bogaadiyo oo lasii amba qaado oo aan cidna looga xishoonin laguna difaacin inuu lunsado hantida umadda kaddibna ay dad ku doodaan inuu yahay ”geesi qaran iyo halyeey dhaartay!”.

Bahda Hadalsame waxay ku boorrinaysaa weriyahaasi inuu gutey waajib akhlaaqi ah oo umaddiisa ka saaran, balse waa in wax kasta la isu dhiilli tiraa oo ay run ahaadaan, sidoo kalena waa in lasoo wada qaataa madaxda oo dhan oo ay ku jiraan kuwa hadda xilka haya min heer qaran ilaa heer gobol.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media