FALANAYN: Yaa ku guulaystey yaase ku khasaaray suuq-jiilaalka Jannaayo ee Serie A-da?

0

(Roma) 02 Feb 2019 – Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda jiilaalka ayaa xalay soo xirmay, waxaana la is weydiinayaa waa tuma kooxda ka guul gaartay dukaameysiga marka laga hadlayo kooxaha horyaalka talyaaniga, shabakadda Football Italia ayaa sameysay qormo ay kaga hadashay sida ay kooxaha Serie A-da ula falgaleen suuqii soo dhamaaday.

AM Milan ayey sida cad u badan tahyay iney tahay guuleystaha suuqa kala iibsiga jiilaalka, waa mid ka mid ah waqtiyadii ugu guulaha fiicnaa Rossoneri, waxeyna markaan tirada ka doorteen tayada, iyagoo kooxdooda ka diray Gonzalo Higuain oo aan bilow fiican la sameynin Chelsea.

Kooxda waxey gacanta kusoo dhigtay Krzysztof Piatek, kaas oo ay adduun dhan 35 Malyan oo Yuuro kaga soo qaateen Genoa, soo iibsashada xiddigaan markii hore waxey u muuqatay mid qatar badan, balse kadib labadii gool uu xiddigaan ka dhaliyay Napoli kulankii ka tirsanaa Coppa Italia waxey noqotay mid uu ku cadeeyay inuusan u baahneyn inuu dadka dhaleeceeya ku qanciyo awoodda uu bandhig qurux badan kaga soo muuqan karo koox magac weyn.

Piatek bandhigii uu ka muujiyay afka hore goolka waxey u muuqatay midf bilow u ah cutubkiisa kooxda Ac Milan, waxeyna tani tilmaameysaa in Rossoner ay dib u heshay Andriy Shevchenko, si kastaba wiilkaan Milaniistaha ah waxaa laga sugi doonaa inuu wax badan kusoo bandhigo garoonka dabaal dagiista (Pistolero) kaas oo uu ku muujiyo inuu yahay weeraryahan hubeysan.

Sidoo kale Leanardo wuxuu qaaday tallaabo kale oo muhiim ah kadib markii uu si caaqilnimo leh aadna u taxadar badan kooxda ugu soo biiriyay da’yarka reer Brazil Lucas Paqueta. Xiddigaan tayada wanaagsan wuxuu 25 Malyan oo Yuuro kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Flamengo kaasna wuxuu u muuqdaa xiddig mustaqbal dheer ku leh xirashada maaliyadda Milan.

Qaar badan oo ka mid ah falanqeeyayaasha talyaaniga ee taageerada u ah Milan ayaa durba carabka ku dhuftay in 21-jirkaan uu yahay Kaka-ha cusub ee kooxda, Kubad sameeyahaan farsamada badan ayaana u muuqda mid muddo ku dhex jiri doona jawi cadaadis maadaama lala barbardhigay xiddig guuleystay.

Paqueta wuxuu durba sameeyay hal abuur aan caadi aheyn, wuxuu soo bandhigay baasas qurux badan o cajiib ah, sidoo kale kubadaha meelaha dhaadheer laga toogto iyo hanaanka jiidista ay caanka ku yahiin xiddigaha reer Brazil waana hab u gaar ah kaliya reer Samba.

Fiorentina waa mid ka mid ah kooxaha ka faa’iiday suuqa kala iibsiga, weeraryahanka dooqa koowaad ee kooxda Giovanni Simeone ayaa dhexda ka galay mowjado dhibaato ah maadaama uu joogteyn waayay qaabkiisa, Viola waxey durba go’aansatay iney keento weeraryahan kale si ay goolal badan u helaan, sidoo kalana ay weerarka ku dhameystiraan Federico Chiesa.

Luis Muriel ayey kooxda keentay, xiddigaan reer Colombia wuxuu kusoo laabtay Italy isagoo lasoo baxay qaab ciyaareed aan caadi aheyn, saddex gool ayuu dhaliyay kadib labadiisii kulan ee ugu horreysay horyaalka Serie A-da.

Sidoo kale wuxuu kasoo muuqday kulankii ay Roma 7-1 kaga badiyeen isla markaana ka reebeen tartanka Coppa Italia, xitaa kulankaas shabaqa ayuu gaaray. Waxaa intaas sii dheer in Muriel uu awood dheeraad ah kusoo kordhiyay weerarka, wuxuuna banaanka usoo saaray awooddii ku qarsaneyd Chiesa iyo Simeone maadaama ay tan iyo imaatinkiisa ay kooxda dhalisay 16-gool iyagoo ciyaaray afar kulan oo tartamada rasmiga ah.

Dhanka kale tababaraha kooxda Sampdoria Marco Giampaol ayaa go’aansaday in kooxda ay sameyso qarash gareyn, kooxda lagu neynaaso Blucerchiati ayaa heysata Fabio Quagliarella oo hadda ah kan ugu sarreeya gooldhalinta Serie A-da, balse waxaa ka dhaawacmay Gianluca Caprari taasna waxey ku qasabtay iney 12 Milyan oo Yuuro kaga soo iibsadaan Southampton xiddiga reer talyaani Manolo Gabbiadini. Iney dib usoo ceshtaan xiddigoodii hore Gabbiadini kaas oo baahi badan qaba sidoo kale niyad jabsan.

Tan iyo markii uu 27-jirkaan isaga tagay Marasi sanadkii 2015, Gabbiadini wuxuu u muuqday mid aan ku najixin waqtiyadiisa Napoli iyo Southampton, balse markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kulankii Udinese uu badalka kusoo galay wuxuu u muuqday mid dib u helay awoodiisii, balse waxa ugu muhiimsan waa inuu mar kale dhoolacadeeyay.

Sampdoria waxey mar kale qaaday tallaabo aan caadi aheyn kadib markii ay si rasmi ah ula saxiixdeen Emil Audero oo ay ka bixiyeen 20 Malyan oo Yuuro, goolhayahaan ku dhashay talyaaniga balse ay iska dhaleen waalid Indonesian ah ayaa sideed kulan shabaqiisa ilaashaday fasalkaan, waana sababta ay kooxda lacagta ugu quurtay iney xiddigaan tayada wanaagsan si joogto ah ula saxiixato.

Juventus waxey dhexda ka gashay suuq aysan si fiican uga faa’ideysan, marka dhinac laga fiiriyo wuxuu ku reebay saameyn badan, iibintii Mehdi Benatia ay ka iibiyeen kooxda Al Duhail ee wadanka qatar waxey noqotay mid ay waqtigaan ka qoomameyso, musiibooyin dhaawacyo ah ayaa kooxda hareeyay, Andre Barzagli iyo Leanardo Bonucci ayaa dhaawac kooxda kaga maqan, sidoo kalana Giorgio Chiellini ayaa dhaawac looga saaray kulankii Atlanta, wuxuuna daafaca dambe ee Bianconerri hadda u muuqdaa mid murugo ah.

Marwada duqda ah waxey heleysaa dhamaadka fasalkaan Aaron Ramsey si ay u adkeyso khadka dhexe oo wali u muuqda mid liiq-liiqanaya, balse runta waxey tahay in Juventus ay u baahan tahay kubad sameeya aad u caawiya Miralem Pjanic gaar ahaan hadii ay dooneyso iney gacanta ku dhigto koobka horyaalada yurub.

Sassoulo ayaa la kulantay sheeko layaab leh, walina suuqii dhamaaday walwal xoogan ayey ka qabtaa maadaama uu ka tagay Kevin-Prince Boateng oo ku biiray Barcelona, wax badan saameyn ah uma geysan maadaama ay heystaan Alessandro Matri iyo Khouma Babacar, balse waxaa ka baxay xiddig tayo leh hadana qibrad badan leh.

Inkastoo Roma ay ilaashatay xiddigaheeda ugu wanaagsan iyo da’yarta taasoo ah isbadal aan caadi aheyn, Giallarossi haatan waa iney heshaa ciyaartoy badan oo firfircoon si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka dhanka difaaca ah ee heysta, kooxda caasimadda waa iney ku adkeysato iney hesho saxiixa Gianluca Mancini si uu Kostas Manolas uga caawiyo dhibaatada daafaca dambe ku heysata.

Dhanka Inter Milan waxey u muuqatay iney lumisay fursad ay kula saxiixan kartay xiddig kubadda u sameeya, waxaana xusid mudan in kubad furan aysan kooxda gool ku dhyalin saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyay oo xiriir ah.

Waxa cabsida leh waxey tahay in Mauro Icardi uusan dhalin gool kubad furan ah tan iyo kulankii uu goolka ka dhaliyay PSV ciyaar ka tirsan Champions League oo dhacday dhamaadkii sanadkii hore. Waxaa jirta shaqooyin badan uusan qaban xiddiga reer Argentina kaas oo aan inta badan ku tiirsaneyn rigoorooyinka si uu guulo u gaarsiiyo Inter Milan.

Sida la ogyahay Inter ma heysato xiddig kubadda abuura, waxaana layaab noqotay sida aysan xitaa cadaadis u saarin helitaanka xiddiga Arsenal Mesut Ozil kaas oo ay kooxdiisa isku xun yahiin.

Waxaa jira kooxo badan oo iibinta ciyaartoydooda faa’iido ka helay, waxaana jira kooxo badan oo ku fashilmay iney qarash ku bixiyaan suuqa si ay isku xoojiyaan, balse waa kuwa hadda ku dhibtoonaya garoonka dhexdiisa.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur (Shardinho)

Hadalsame Media