DEG DEG: Ruushka oo isna ka baxay heshiiskii INF + Sawirro (Hadda iyo hardan ku saabsan hubka halista ah oo hor leh)

0

(Moscow) 02 Feb 2019 – Madaxwaynaha Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa sheegay inay Moscow iyaduna hakineeyso heshiis la saxiixay xilligii Dagaalkii Qaboobaa ee ka hor tagga fidista hubka nukliyeerka ee INF, ka gadaal markii ay Washington go’aansatay sidaa si la mid ah.

Sidaa darteed waxay iminka Ruushku bilaabayaan soo saarista gantaalo lagu mamnuucay tibxaha heshiiskaasi haatan daaqadda ka baxay, taasoo fureeysa hardan iyo tartan dhanka hubka halista ah.

“Teennu waa jawaab dhigan ah. Jaalkeenna Maraykanku waxay sheegeen in hakinayaan ka qayb galka heshiiskaasi, annaguna sidoo kale ayaannu yeelaynaa,” ayuu yiri Madaxwaynaha Ruushka oo maanta ka hadlayay Moscow, isagoo ula jeeda heshiiskii Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty (INF).

“Waxay sheegeen inay daraasadeeynayaan oo ay tijaabinayaan hub cusub, annaguna sidoo kale ayaannu yeeli doonnaa,” ayuu daba dhigay Putin oo iminka kulan la leh Wasiir Dibadeedka Sergey Lavrov iyo midka Gaashaandhigga ee Sergey Shoigu.

Arrintan ayaa waxaa sabab u noqday maamulka iminka ka arrimiya Washington ee Donald Trump oo lagu tilmaamay nin aan wax badan ka fahamsanayn cawaaqibka ka dhalanaya arrintan, balse ay ku hoos jiraan oo ay adeegsanayaan ragga loo yaqaanno Muxaafidiinta Cusub oo siyaasadoodu tahay in wax kasta xoog lagu xalliyo.

Putin oo iminka kulan la leh Wasiir Dibadeedka Sergey Lavrov iyo midka Gaashaandhigga ee Sergey Shoigu

Hadalsame Media